Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Duqa Magaalada Muqdisho oo dhagax dhigay dhismaha laami cusub (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada dheer ee xiriirisa Xoosh illaa Ex- koontarool Afgooye, taasi oo dhex marta Degmooyinka Dharkeenley, Kaxda iyo Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Dharkeynley, Kaxda, Garasbaaley, Madax ka socotay Shirkada Buruuj iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo gacan ka geysana dhismaha wadadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in dhismaha wadadaan ee qeyb weyn ka qaadan doonto isku socodka iyo isku xerka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeelaha Hoose, fududeynta Ganacsiga isaga kala goosha labada Gobol iyo in culeeska isku socod ee Magaalada Muqdisho uu aad u yaraado.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane  Xasan Maxamed jimcaale ayaa  kulan la qaatay

Seracettin Aksun oo ah madaxa shirkada dhisamaha wadooyinka ee EN-EZ isagoo kala hadlay in ay si deg deg ah dib udhis ugu sameeyeen Waddada Fagax.

Kulankan uu Guddoomiye Xasan Maxamed Jimcaale la qaatay maamulaha shirkada EN-EZ ayaa daba socda cabasho ay soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan Degmada Yaaqshiid, kuwaas oo sheegay in si qaldan loo dhisay dhismaha Waddada Fagax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo kamid ah ciidamadii loo heestay Dilka Gudoomiyihii Hodan oo lasii daayay (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Qaraxyo kale oo ka dhacay Jalalaqsi iyo Masuuliyiin ku dhaawacmay (Sawirro)

Caydiid Ali

Aabe dilay saddex gabdhood oo uu dhalay, ka dibna isagii isdilay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---