Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlado cusub oo soo magacaabay danjireyaal u fadhin doona Somalia (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga, mudane Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa  warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Burundi Ms. Evelyne Habonimana iyo Danjiraha Boqortooyada Thailand Ms. Sasirit Tangulrat.

Wasiir Huruuse iyo Danjiraha cusub ee dalka Burundi ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale wasiirka ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka dalka Boqortooyada Thailand Ms. Sasirit Tangulrat, waxa ayna labada mas’uul si kooban isula soo qaadeen Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Waxbarashada,  Caafimaadka, Ganacsiga, Horumarinta xirfadaha iyo warshadaha yar yar ee cuntada iyo adeegyada kale lagu farsameeyo.

Soomaaliya iyo Thailand ayaa horay u lahaa xiriir diblomaasiyadeed, balse labada dawladood ma lahayn wax safiirro ah oo ay is dhaafsadeen wixii ka dammeeyay 1991.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa kasoo kordhay Khilaafka u Dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ?

Cabdi Cade

Facebook oo tirtay Fariin marin habaabin ah uu soo dhigay Madaxweyne Donald Trump

Cabdi Cade

Save the Children oo ka qeylisay xukuno adag oo ay riday Maxkamad ku taalla Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---