Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhimashada dhulgariirkii Turkiga oo tiro beeshay iyo caalamka oo gurmanaya (Sawirro)

Waxaa sare u kacaya khasaaraha dhimashada ee dhulgariirkii xoogganaa ee ku dhuftay qaybo ka mida dalalka Turkiga iyo Syria, subaxnimadii hore ee Isniintii, dhulgariirkaas oo cabbirkiisu gaarayey illaa 7.8.

Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegay in tirada dhimashadu ay haatan kor u dhaaftay illaa 4,000 kun oo qof, halka la aaminsan yahay in boqollaal qof oo kale, inay ku hoos xanniban yihiin burburka dhismayaasha.

Dhulgariirkan ayaa xudduntiisu ay ahayd meel u dhow deegaanka Gaziantep oo u dhow xuduuda Turkiga iyo Syria, waxaana xigay dhulgariir kale oo cabbirkiisu gaadhayey illaa 7.5 kaas oo galabnimadii isna ka dhacay, meel u jirta deegaankan illaa 100 KM.

Dhulgariirkan ayaa ahaa kii ugu xumaa ee muddo sanado ah ku dhufta dalka Turkiga, waxaa sidoo kale laga dareemay dalalka Cyprus iyo Lebanon.

Masuuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay in ugu yaraan 2.600 qof ay ku dhinteen dhulgariirka halka dhaawacuna uu kor u dhaafay illaa 13,000 oo qof. Masuuliyiinta Turkiga ayaa sheegay in loo gurmaday illaa 7,800 oo qof oo ku hoos jiray burburka dhismayaasha, halka guryaha burburayna ay gaarayaan illaa 5,600 oo guri.

Masuuliyiinta dalka Syria ayaa iyaguna sheegay in tirada dhimashadu ay gaadhayso illaa 1,444, halka dhaawacuna ka badan yahay illaa 3,500 oo qof.

Turkiga ayaa ka mida, meelaha ay ku soo noqnoqdaan dhulgariiradu, kuwaas oo khasaare ba’an ka geysta dalkaas, waxaana si weyn loo xasuustaa dhulgariirkii ka dhacay dhinaca Woqooyi Galbeed ee Turkiga, sannadkii 1999, halkaas oo ay ku dhinteen 17,000 illaa 18,000 oo qof.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa tacsi u diray dalka Turkiga, iyaga oo ku yaboohay inay gacan ka geysanayaan, samatabixinta dadka ku hoos jira burburka dhismayaasha. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa amray in hay’adaha Maraykanku inay gacan degdeg ah u fidiyaan Turkiga.

Sidoo kale Midawga Yurub ayaa isku dubba riday kooxo gurmad ka geysta deegaanada dhulgariirku ka dhacay, oo ka kala socda dalalka Bulgaria, Croatia, Czeck Republic, Faransiiska, Giriiga, Hungury, Malta, Holland, Poland iyo Romania.

Sidoo kale dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka qayb qaadanayso gurmadka loo fidinayo deegaanada uu dhulgariirku ka dhacay.

Ra’iisal wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu u diri doono Turkiga, kooxo gurmad iyo samatabixinta qaabilsan oo gacan ka geysta in la soo badbaadiyo dadka ku hoos jira burburka, iyo weliba kooxo caafimaad, ka dib marki ay codsi ka heleen dawladda Turkiga. Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu u dirayo dalka Turkiga kooxo ka qayb qaata gurmadka iyo samatabixinta. sidoo kale Ukraine ayaa ka mida dalalka u sheegay Turkiga, inay gacan ka geysanayaan dhibaatada soo gaadhay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul wasaare Khayre & Madax kale oo ka qeyb galay Xuska Munaasabada 20ka Disembar

Caydiid Ali

Madaxweynaha Puntland oo dhisay Wasaarad ku cusub maamulkiisa (Akhriso)

Cabdi Cade

Halkee Farmaajo ka geli doonaa Habaarka Ikraan Tahliil Faarax Hooyadeed?

Caydiid Ali