Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal saaka mar kale ka qarxay Laascaanood iyo arrin cusub oo ka soo korodhay

Maalintii labaad waxay dagaalo culus ka socdaan magaalada Lascaanood ee gobolka Sool kuwaasoo dhexmaraya Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC.

Dagaalka oo shalay subixii qarxay ilaa xalay iyo saakana socda ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo ay ku nafwaayeen saraakiil kala hogaaminayay ciidamada Somaliland iyo ciidamada taabacsan garaadada Sool ee SSC.

Wararka ayaa sheegaya in hadda dagaalka ugu xooggan uu saaka ka socdo hareeraha Taliska Gooja-cadde halkaas oo laga maqlayo hubka culus.

Waxaa lasoo sheegayaa in dagaalkani uu ka xooggan yahay kii shalay, dagaalka ayaa sidoo kale meelaha uu saaka  ka socdo waxaa ka mid ah aagga buurta sayidka, halkaasoo shalay uu ka dhacay khasaaraha ugu badan ee kala gaaray dhinacyada dagaalamaya

Dhammaan saraakiishii degaanka u dhashay ee hore ula socday maamulka Somaliland ayaa la sheegay iney ku biireen xoogagga SSC.

S/Guuto Mahad Canbaashe oo kamid ahaa saraakiisha u dhashay degaanka ayaa u dambeeyay oo sida la sheegayo saaka ku biiray safka ciidanka SSC

Khasaaraha dagaalka labada dhinac  ee saaka weli faahfaahin sugan lagama hayo isla markaana dhinacna khasaaraha kama hadlin.

Labada dhinac ayaa ilaa xalay kala helayey gurmadyo kala duwan oo iskugu jira ciidan iyo gaadiid dagaal.

Warar aan weli la xaiijin ayaa sheegaya in ciidanka SSC ay qabsadeen Hotel Xamdi oo ku yaalla woqooyiga magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen wasiiradii Somaliland ee halkaas u joogay wadahadalka.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Xasilinta Muqdisho oo la sheegay in Sharci daro ku dhisan yihiin

Cabdi Cade

Magaalooyinka Muqdisho iyo Ankara oo mar kale la mataaneenayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo warbixin xasaasi ah siiyey safirka Mareykanka ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---