Xaaji Sulaymaan Xaamid iyo Jamiila Qaadir ayaa da’da 90-aadka isku calmaday, kaddib, markii uu Jacayl wada beer qaaday go’aana ku gaareen in nolosha ku midoobaan.
Lamaanaha oo ka soo jeeda Qowmiyada Kurdishka ee dalka Iraq ayaa waxa uu xafladda meherkooda dhacay toddobaadkii la soo dhaafay.
Caruuska, Xaaji Suleyman Xamiid waxa uu ka soo jeedaa degmada Girdagozina, halka ay Caruusadana, Jamiila Qadiir ka soo jeedo Bawanoor oo u dhow Degmada Kalar ee Gobalka Gatmiyan.
“Aad ayaan kuu jeclahay, dhamaan Naftayda, Qalbiga iyo Indhahayga” ayuu Caruuska oo 93 jir u sheegay xaaskiisa 92-jirka ah oo uu dhinac fadhiyey.
Lamaanaha weligooda ma haasaawin ka hor inta la diyaarinayey xafladda nikaaxooda.
Qoyska Jamiila Qadir waxay horey dhowr jeer laaleen Codsiga Xaaji Suleyman, balse waxa uu ku adkeystay Codsigiisa muddo 4 bilood ah, ilaa ay Qoyskeeda oggolaadeen Guurkooda.
Xaaji Suleyman iyo Jamiila Qadir oo horey u kala tegay tobanaan sano ka hor, waxay aad ugu faraxsanaayeen inay dib dambe isku helaan oo ay Nolol Cusub dib u yegleelaan.
Marna midkooda ma filanaynin inay mar kale is-hanan doonaan, balse, Jacayl calaf wata ayey mar kale ku naaloonayaan, illayn jacaylku kuma xirna da’.
Sida laga soo xigtay Maxkamadda magaalladda Khanaqin ee Gobalka Kurdiatan oo laga diiwaan geliyey Nikaaxooda ayaa sheegtay inay Lamaanahan yihiin kuwa ugu da’da weyn ee la isku nikaaxiyo gudaha dalka Iraq.
W/T Ustaad Nuradin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com