Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

DEG DEG: Dagaal culus oo saaka waaberigii ka qarxay Magaalada Laascaanood

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood dagaal ayaa saaka waaberigii ka qarxay gudaha Magaalada gaar ahaan qeybta bari kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada degaanka.

Illaa haatan si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in la maqlayo dhawaqa rasaas iyo hub xooggan.

Dagaalka magaalada ka qarxay ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta la filayo inay soo baxaan go’aamada shirka odoyaasha dhaqanka ee deegaankaas oo maalmahanba shir uga socday Laascaanood

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa kacsan saaka, waxaana laga dareemayaa magaalada dhiilo colaadeed.

la soco wixii soo kordha..

Related posts

Trump oo sheegay in Iran ay heli doonto jawaabta Weerarkii lagu qaaday Sacuudiga

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo saacado gudahood ku dhowaad boqol shacab ah ku dilay Gaza

Caydiid Ali

Jubbaland oo ciidamo badan geesay Duleedka Balad Xaawo iyo Dhaq dhaqaaqyo halkaasi ka socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---