Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xasan Shiikh oo Villa Somalia ku qaabilay wafdigii ay horkaceysay Victoria Kwakw (Sawirro)

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka Qeybta Bariga iyo Koonfurta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya isagoo ku dhiirigaliyey Bangiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara islamarkaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bangiga Adduunka waxay balan qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya Dowladda Soomaliya iyo Bangiga, gaar ahaan qeybaha ay danaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka, qeybahaas oo ay ka mid yihiin, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bangiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeee ee ka shaqeeya Bangiga kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo kusii jeeda Boosaaso kuna dhawaaqaya Dagaal ka dhan ah..

Cabdi Cade

Madaxweynaha Faransiiska oo ku baaqay kordhinta tallaabo ka dhan ah dowladda Ruushka

Cabdi Cade

Talaabooyin lagu xoojinayo amniga Magaalada Muqdisho (Shaki laga qabo Wali Farmaajo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---