Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo si kulul uga hadlay buufinkii laga shakiyay ee Mareykanku qarxiyeen

Ciiddanka cirka ee dowladda Maraykanka oo adeegsanayay diyaarado dagaal ayaa burburiyay buufinkii looga shakiyay basaaska ee maalmahan dul heehaabayey qeybo kamid ah hawada Sare ee Maraykanka.

Dowladda Shiinaha ayaa durba si weyn uga carrootay go’aanka dowladda Mareykanka ku burburisay buufinta ay ka shakiyeen, waxa ayna Shiinaha ku tilmaameen tallaabada Mareykanka qaadeen mid laga fiicnaa.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Shiinaha qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay aad uga xuntahay ugana walaacsan tahay tallaabadii dowladda Mareykanka ku burburiyeen awoodda ciidana ugu adeegsadeen fuufinka laga lahaa Shiinaha.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaana lagu  cadeeyay in falkaasi ay ku kaceen ciidamada Mareykanka oo fasax ka heestay madaxda sare ee dalkaasi yahay Xadgudub ba’an oo ka dhan ah dhaqanka Caalamiga.

Dowladda Shiinaha ayaa horey u sheegtay in buufinkan lagu arkay qeybo kamid ah hawada dalka Mareykanka uusan aheyn mid basaas, balse uu yahay mid loo adeegsanayey Cilmi-baaris dhanka cimilada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Al Shabaab oo saakay lagala wareegay Deegaan Muhiim u ahaa

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey Xiisad dagaal oo ka taagan Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Dad ka qaxay Colaada Sudan oo dhinaca badda ka galay dalka Sacuudiga (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---