Allbanaadir.com
NEWS

Subaxaanallah: Xaaskiisa oo dhimatay ayuu sheegtaa inuu kusoo nooleystay lacag dhan $3000 (Sawirro)

Marwalba oo aan halkan kusoo bandhigayno dhaqamada dadyowga kale oo aan Muslimiinta ahayn, ujeedku waa inaan fahamno nimcada iyo quruxda diinta Islaamka ee Ilaahay uu naga dhigay kuwo heysta oo Muslimiin ah.

Lammaanayaasha Muslimiinta ah marka ay ifka ku kala tagaan, waxaan rumeysannahay inay dib, in sha Allah, ay isula midoobi doonaan Jannooyinka Ilaahay u diyaariyay addoomadiisa wanwanaagsan.

Laakiin bulshooyinka kale, wadajirkoodu kaliya waxay ku saleysan tahay ifka dushiisa. La-yaabna malahan inay sameeyaan ficillo la-yaab leh oo ay jaceyl iskugu muujinayaan. Mid kamid ah waa sheekada ninkan oo afadiisa oo dhimatay sannado kahor doonay inuu suuradeeda ka sameysto sanam guriga u yaalla si uu maalin walba u arko.

Covid-19 ayay u geeriyootay xaaskiisa sannadkii 2020, waxaana taniyo markaas uu waday qorshe uu sawirkeeda uga dhiganayo sanam guriga u yaalla. Waxaana uga baxday lacag ka badan $3,000.

Waxa u muuqda qof dumar ah oo isaga la fadhisana ma ahan iyada oo nool. Waa suurad gacan ku sameys ah oo laga sameeyey muuqeeda. Sheekadiisa ayaa hadalheyn badan ka abuurtay Hindiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney la doonayay in lagu dhax iibiyo barta Facebook oo la bad baadiyay

Cabdi Cade

Hotelo ku yaalla Magaaloyinka Hargeysa iyo Burco oo la xiray iyo Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Qarax Khasaaro geestay oo lagu weeraray guriga Masuul katirsan maamulka Jubbaland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---