Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada Dowladda oo dilay Xubno katirsan Al Shabaab soona bandhigay (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheesay oo ay ka fuliyeen deegaanka Janaay Cabdalle waxa ay ku dileen dagaalyahano katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay dileen afar dagaalyahan katirsan Al Shabaa, waxaana raga la dilay sheegeen saraakiisha in u uku jiro sargaal Al Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Janaay Cabdalle oo lagu magacaabayay Xasan Cadde.

Afhayeen u hadlay ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay xubnahan katirsan Al Shabaab sidoo kale lagu burburiyay fariisimo uu sheegay in ay lahaayeen dagaalamayaasha Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa dhawwaan Al Shabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo kuyaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow, deegaankan ayaana sannado badan fariisin u ahaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorshaha safarka Madaxwayne Farmaajo ee JABUUTI iyo loolan ka dhex oogan beesha Caalamka iyo Maamulka Jubbaland

admin

Xildhibaan Kenyan ah oo qoray la galay fadhiga Baarlamaanka iyo argagax ka dhashay

Caydiid Ali

Taliye Dayax oo Dhiiro-gelin ugu tagay Ciidanka jooga xeryaha Maslax iyo Hiil-weyne (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---