Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa war ka soo saaray wiil dhalinyaro ah oo shalay ay ku dileen isgosyka ambulatooriyada Ceel-gaab ee magaalada Muqdisho.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa ka mid ahaa ciyaalka darbi jiifka ah ee dadka qaarkiisna u yaqaanaan koolistayaasha.
Shacab ka carooday dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa Isgoyska Ceelgaabta ka dhigay banaanbax looga soo horjeedo ciidamada ATMIS .
Qoraal ay soo saareen ciidamada ATMIS ayey ku sheegeen in wiilka la dilay uu markii hore wax aan la garaneyn ku soo tuuray ciidamada ka dibna uu iska dayey inuu soo qabsado gaadiidkooda taasoo keentay in ciidamadu ka shakiyaan, rasaasna ku furaan.
”Qof aan la aqoonsan ayaa gaadiidka ATMIS ku tuuray wax aan la aqoonsan, kaddibna wuxuu isku dayey inuu soo fuulo gaariga. Natiijada baaristeenna hordhaca ah kasoo baxda waxaan la wadaagi doonnaa DF Somalia.” ayay yiraahdeen iyagoo sheegay in xaq loogu leeyahay inay dhowraan xuquuqda nololeed ee muwaadinka Soomaaliga ah sida ku dhigan xeerkooda, inkastoo ay marar badan dileen dad rayid ah.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA ATMIS OO DHAMEYSTIRAN