Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada booliiska oo gacanta ku dhigay nin dil ka geestay Muqdisho

Ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Kaaraan ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay nin lagu eedeeyay in uu kamid ahaa ahaa gaangistarada kunool Kaaraan, kaa oo dil u geestay nin shacab ah uu ka dhacayay telfoon.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan ay ciidamada qabteen toorey ku dilay marxuum lagu magacaabayay Salaad Maxamuud Cabdulle, kaa uu ka dhacayay telfoon xilliga uu dilka u geesanayay.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan gacankudhiiglaha ah isaga oo baxsad ah lagu qabtay xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan loo gudbin doono maxkamadda ciidamada.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay howlgalada ka dhanka ah burcada hubeesan ee dadka dhaca iyo dilka u geesta iyo sidoo kale ciyaalka weerada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Soomaaliya oo dalab xasaasi ah hor dhigay dowlada Tanzania

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay shan nin oo Midkood lagu eedeeyey inuu maleegay..

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Anita Kiki iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---