Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka mid kamid ragii weeraray xarunta G/Banaadir

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, waxaana weerarka lagu dilay dhammaan ragii katirsanaa Al Shabaab ee weerarka geestay.

Kooxda Al Shabaab ayaa warbaahintooda ku baahisay wareysi ay ka qaadeen mid kamid ah ragii weerarka fuliyay, ninkan ayaana sheegay in uu sannado badan kooxdan katirsanaa kuna faraxsan yahay weerarka uu fulinayo.

Ninkan ay Al Shabaab baahiyeen wareysiga ay ka qaadeen ayaa magaciisa kooxda ku sheegay Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani) oo kasoo jeedo beesha Gaaljecel, gaar ahaan jufada Makaahiil Cumar Mataan.

Al Shabaab ayaa inta badan baahisa wareysiyo ay ka duubaan xubnaha weerarada ismiidaaminta ah fuliya, waxaana mararka qaar Al Shabaab dhacda in aysan baahin weerarada ka fashilma iyo kuwa shacabka ku dhammaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Siyaasadeed ee dalka iyo Farmaajo oo Qorshe cusub la yimid

Cabdi Cade

Wejigii 1aad ee casriyeynta & Ballaarinta dekeda Berbera oo xariga laga jaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoyska Taliye Shaah-macabe oo codsi muhiim ah u diray madaxweybne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---