Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo ka hadlay Buufin basaas looga shakiyay oo lagu arkay hawada Mareykanka

Hawada dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa lagu arkay walax u eg buufin oo looga shakiyay in ay basaas aheyd , taa oo la sheegay in laga soo diray dalka Shiinaha , waxa ayna arrintan abuurtay xiisad iyo walaac.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in buufin ku duulaysay joog dheer la arkay xilli ay maraysay hawada Mareykanka, waxa uuna keenay buufintan in heegan la galiyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa loogu baaqay dowladaha Mareykanka iyo Canada in xaalada dejiyaan, Shiinaha ayaa sheegay in muhiim tahay marka hore in la ogaado xaqiiqada inta buun buunin la sameyn lahaa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd xaaladdan, waxayna intaa ku dartay in Shiinaha uusan wax damac ah ka laheyn inuu ku xad-gudbo hawada dal kale.

Ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay ka laabteen go’aan ay ku doonayeen in ay kusoo ridaan buufinta basaaska looga shakiyay, waxa ayna sheegeen in ammar sare uga laabteen tallaabaasi si khatar kale uga dhalan soo riditaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taksiile maaro looga waayey kufsiga haweenka gaarigiisa raaca oo xukun adag lagu riday

Caydiid Ali

Madaxweynaha oo Kormeer kedis ah ku tagay deegaan dhawaan la wareegeen ciidanka Danab

Cabdi Cade

Ciidamo Mareykan ah oo lagu la’yahay badda Soomaaliya iyo baadigoob xooggan oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---