Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo Amaanay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan qado sharaf ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxay ku dhiira geliyeen dadaalka loogu mira-dhalinaayo guul ka gaarista Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay in lagu guuleysan doono hadii laga wada shaqeeyo midnimadda reer Koonfur Galbeed, si dadka deegaannadan ay u heleen xasilooni iyo nabad waarta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ku amaanay in ay laf dhabar iyo hoggaan lagu dayan karo ay u yihiin dhaqankeena wanaagsan iyo nidaamka dowlad dhiska dalka oo soo maray marxalado kala duwan.

Related posts

Q/Midoobay: Labada dhinac ee Sudan isku haya diyaar uma aha xal nabadeed”

Caydiid Ali

Shacabka magaalada Muqdisho oo niyad jab xoogan lasoo darsay

Cabdi Cade

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---