Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dib ugu laabtay Baydhabo & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socda wejiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo muddo 11 maalmood gudahood ah ayaa ku qotama xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro dhal u noqonlahaa shirka dib u heshiisiinta ee ka socda hoggaanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Wejiga koowaad ayaa looga hadlayay xal u helidda arrimaha ku saabsan rabshadihii Baydhabo ka dhacay 23-kii bishii December, 2022, markaas oo la weeraray guriga Wasiirkii hore ee Maaliyadda, Maxamed Aadan Fargeeti.

Intii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka maqnaa Baydhabo waxaa la xallinayay waxyaabihii dhacay, sida in la sii daayo maxaabiistii lagu xiray rabshadaha, kala celinta hubkii la kala qabsaday iyo in la bixiyo magta dadkii ku waxyeelloobay qulqulatooyinka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhawaan soo xiray wejiga koowaad ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, inkastoo xubnaha mucaaradka ay tabashooyin ka qabeen sida loo maareeyay gabogabeynta qeybta hore ee Shirk aiyo sida wax loo xalliyay.

Waxaa durbadiiba la guda galay wejiga labaad ee shirka. Sababta uu Madaxweyne Xasan dib ugu laabtay Baydhabo ayaa ah si uu u dhammeystiro wejiga labaad ee shirka oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo doorashada Koonfur Galbeed, sida aan kasoo xigannay mas’uuliyiinta.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa safarkan u adeegsanaya in uu maamulka Koonfur Galbeed kala hadlo sidii looga shaqeyn lahaa arrimaha amniga iyo in dagaallada dib u xoreynta looga billaabo deegaannada Koonfur Galbeed.

Booqashadii hore ayuu madaxweynaha ku sheegay in uu qorshuhu yahay sidii Koonfur Galbeed looga billaabi lahaa wejiga labaad ee ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo ka tirsan Ilaalada Villa Somalia oo dayuurado lagu geeyey Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali

Maadxweyne Cali Guudlaawe oo guddoomiyay Shir arrimo dhowr ah looga hadlay

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Musharaxiinta loolanka adag kula jiray Erdogan oo ka haray doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---