Askar ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay isgosyka ambulatooriyada Ceel-gaab ee magaalada Muqdisho barqanimadii maanta
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa ka mid ahaa ciyaalka darbi jiifka ah ee dadka qaarkiisna u yaqaanaan koolistayaasha.
Ciidamada DF ee Ilaalada ka haya Koontroolka Villa Somalia ee halkaas ku yaalla ayaa ciidamada ATMIS ka horjoogsaday iney galaan Villa Somalia ka dib markii ay dilka geysteen.
Shacab ka carooday dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa bilaabay banaanbax looga soo horjeedo ciidamada ATMIS oo ka socda Isgoyska Ceelgaabta.
Shacab ka careysan falkan ayaa xirtay isgoyska Ceel-gaabta, iyaga oo dalbanaya in cadaalad loo helo wiilka gardarada lagu dilay, welina ma jiro war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay ciidamada ATMIS iyo laamaha amaanka DF.
La soco wixii soo kordha