Allbanaadir.com
NEWS

Norwey oo go’aan ka qaadatay koox dalbatay isku soo bax lagu gubayo Quraanka Kariimka

Ciidanka Booliska Oslo ayaa sheegay in isniintii isbuucan ay heleen fariin ka timid ururka xagjirka midigta fog ee SIAN, kaasoo ay ku sheegayeen inay qabanqaabinayaan banaanbax lagu qaban doono afaafka safaaradda Turkiga ee Norway, ayna qorsheynayaan inay ku gubaan kitaabka quraanka kariimka ah.

Falkan ayay SIAN rabeen inay qabtaan maalinta jimcaha ah ee beri.

Booliska Oslo ayaa qiimeyn ay ku sameeyeen xaaladda amni iyo ficiladda ka dhalan kara banaanbaxaas waxay sheegeen inay diideen ogolaanshaha banaanbaxaas lagu gubi lahaa kitaabka quraanka kariimka ah.

Dowlada Turkiga ayaa kulan canaanasho ah maanta u yeertay safiirka Norway ee Turkiga, waxaana wax laga weydiiyay mudaaharaadka ay Norway markii

hore ogolaatay banaanbaxa ka dhici lahaa afaafka safaaradda Turkiga ee Norway. Dowlada Turkiga ayaa rabtay in falkaas laga hortago.

Booliska Oslo ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in fariin ay ku celiyeen ururka SIAN, laguna wargaliyay in banaanbaxaas uusan dhici doonin sababo amni awgeed.

Inkasta oo boolisku ay diideen gubitaanka quraanka, hadana waxa ay qoraalkooda ku sii sheegeen in gubitaanka quraanku uu wali sharci ka yahay Norway, uuna yahay qeyb ka mid ah xoriyada hadalka ee ku xusan sharciga Norway.

 

Related posts

Guddigii uu magacaabay Madaxweyne Xaaf oo soo saaray Habraaca Doorashada (Akhriso)

Cabdi Cade

Puntland oo si caro leh uga jawaabtay hadal kasoo yeeray DF Soomaaliya

Cabdi Cade

Isbadal ku yimid Muuqaalka Kim Jong Un iyo Walaac laga muujiyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---