Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Boliska Muqdisho oo howlgalo ku soo qabtay burcad dhac geysaneysay

Ciidanka Booliska Saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa howlgal ku soo qabtay koox dhallinyaro ah oo ku eedeysan burcadnimo hubeysan.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in raggan markii la soo qabanayey ay gacmaha kula jireen falal amni darro iyo dhac ay u geysanayeen shacabka.

Taliska Boliiska degmada Hodan ayaa sheegay in kooxdu dhaawac u geysatay labo Muwaadin, iyaga oo ku Dhaawacay Mindiyo ay wateen, Kadibna ka qaatay Taleefanadoodii.

Ciidanka ayaa sidoo kale qabtay nin kale oo ku eedeysan inuu dhac ka soo geystay Degmada Dharkeynley iyo Mooto Bajaaj uu watay.

Booliska Muqdisho ayaa xoojiyey howlgalada ka dhanka ah burcada ah dhac joogto ah ku heysa shacabka magaalada kuwaasoo ka qaadanaya telefanada iyo agabka kale ee ay wataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Maaliyadda oo shaacisay maalinta Canshuur jarista bilaabaneyso

Cabdi Cade

Ku dhowaad 40 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhisme ku yaalla Mangaf (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo ka codsatay Boqortooyada Baxreyn in labo arrin ka taageerto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---