Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Ninkii isku qarxiyey Masjidka Peshawar oo ay qabatay kaamerada qarsoon

Taliyaha Booliska Gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan  Moazzam Jah Ansari ayaa sheegay in Ninkii fuliyey Isqarxintii Masjidka ku dhex yaalla Deegaanka Laynka Casaanka ee magaalladda Peshawar uu ku labisnaa Labiska Khaaska u ah Boliska dalkaasi.

Qaraxaasi oo dhacay Isniintii la soo dhaafay (bishii January 30-dii) ayaa waxaa ku dhintay 101 qof oo ka mid ah dadkii ku tukanayey Masjidkaasi.

300 ilaa 400 oo qof oo badankooda ahaa Boolis ayaa Salaada duhurka ku tukanayey Masjidka lala beegsaday Is-qarxinta.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka Khyber Pakhtunkhwa ee dalkaasi,  Moazzam Jah Ansari ayaa tilmaamay in la helay Muuqaalka qofkii is-qarxiyey, kadib, markii Baaritaano lagu sameeyey Kamerooyinka Qarsoon (CCTV) ee ku rakiban agagaarka Saldhiga Boliska iyo Masjidka uu Qaraxu ka dhacay.

Muuqaalada (CCTV footage) waxa laga arkay Dhaqdhaqaaqa Ninka Isqarxiyey oo socda waddada Khyber road ilaa diilinta Casaanka ee Booliska magaalladda Peshawar. waxaa uu Is-qarxiyaha mootadiisa dhigtay jidka dhinaciisa, isagoo ku labisnaa Dharka Booliska, watayna koofi iyo Af-saab ama mask.

Waxaa kaloo la xaqiijiyey in Ninka is-qarxiyey Qoortiisa (Madaxiisa) oo go’an ay Boliska ka heleen goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Taliyaha waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Boliska wax shaki ahh ka qaadin Ninkaasi oo ku labisnaa Dharka Boliska,  iyagoo u qaatay inuu ka tirsan yahay Ciiddanka ka Hawlgala Peshawar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarad Ku Dul Burburtay dhismo xafiis iyo Maalqabeen caan ah oo ku dhintay (Sawirro)

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo ka hadlay sida laga yeelayo Madaxweynihii hore Soomaalida Itoobiya

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay dagaal xoogan oo ka dhan ah..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---