Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Shaqaale ka tirsan heyadda bisha cas oo lagu afduubtay duleedka magaalada Baydhabo

Dabley hubeysan ayaa shaqaale ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay gelinkii dambe ee maanta ka afduubteen meel y dhaxeysa magaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle sida ay sheegayaan wararka gobolka Bay naga soo gaaraya.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa warbahinta u qaxiiyey dhacdadan, wuxuuna sheegay afduubkan inay tuhmayaan dagaalyahanada Al Shabaab iney mka dambeeyeen

Shaqaalahan oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay illaa shan qof oo saddex ka mid ah ay yihiin haween, halka labada kalena ay yihiin Rag, wuxuuna afduubkooda si gaar ah uga dhacay meel ku dhow Tuulada Busley oo qiyaastii 25km u jirta magaalada Baydhabo, waxayna ku sii jeedeen degaanka Awdiinle oo oo ay ugu socdeen hawlo shaqo, sida ay sheegeen masuuliyiinta Koonfur Galbeed.

Halka uu afduubka ka dhacay kuma sugna ciidan dowladeed iyo Shabaab toona, balse sida la sheegay Al Shabaab waxa ay doonaan ayay halkaasi ka sameyn karaan, iyaga oo ku yimaada qaab qarsoodi ah, sida ay ku warameen dadka degaanka.

Waxaa socda dadaalo lagu baadi goobayo shaqaalaha la afduubtay oo dhammaantood ah Soomaali, saraakiisha Hay’adda Bisha Cas oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin falka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo xabsiga dhigay boqolaal qof oo ay ku jiraan dad ajaaniib ah (Sababta)

Caydiid Ali

Mucaaradka ku kacay Siiriya oo dilay Gen. Porhashmi

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---