Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo la kulmay wafdi uu horkacayo Matteo Perego oo dalka soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego.

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay argagixisadu dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada.

Ku-xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego ayaa ku amaanay dowlada Somalia dedaalka ay ugu jirto soo celinta nabada iyo la dagaalanka argagaxisada, wuxuuna xusay in dowladiisa ay gacan ka geysan doonto howlgalada ka socda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciyaartoydii Xulka Kubada Cagta dalka Ghana oo la kala eryay & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Farmaajo oo kulan Xasaasi ah la qaatay Sadex kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada

Cabdi Cade

FBI-da Mareykanka oo ku daba jirta Dokumentiyo sir ah oo uu ka qariyey Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---