Allbanaadir.com
NEWS

Isimada ku shirsan Laascaanood oo ka hor yimid dhexdhexaadinta Madaxweynaha Jabuuti

Isimada gobolka Sool iyo qaybo ka mid ah Sanaag iyo Cayn ee magaalada Laascaanood ku shirayaayaa sheegay in aanay aqbalayn dhexdhexaadin la sheegay inuu wado Madaxweynaha Jabuuti.

Afhayeenka guddiga maamulaya shirka Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xassan Falaalug ayaa sheegay in aanay dhexdhexaadin aqbaleyn, kadib markii IGAD sheegtay in madaxweyne Geelle dhexdhexaadin ka galayo xiisada Laascaanood.

“Arrintaa diyaar uma nihin, hadii aanu nahay dadka gobolada waxa weli isbitaalada noo yaala dhaawicii ay gaysatay Somaliland, xaalada dadkayaguna waxay maraysa meel adag, magaalada 80% ama 90% waa laga qaxay” ayuu yiri Falaalug.

Waxa uu intaas ku daray inay maalin walba ka cabsi qabaan in ciidamada Somaliland ay soo galaan magaalada, sidaa darteed aanay ku jirin jawi ay wada hadal iyo waan waan Somaliland kula galaan.

“Meel ay ka shaqayso garan maayo qof aad qoorta kaga taagan tahay haddana aad leedahay ila hadal, meel ay ka dhacdaa ma jirto” ayuu hadalkiisa intaas ku daray.

“Ma jirto cid aan dhexdhexaadin ka aqbalayno, IGAD ha ahaato, Jabuuti, dowlada Soomaaliya ama dowladaha kale ee caalamka ilaa ciidanka Somaliland baxo Ismaaciil Cumar Geelle iyo IGAD ha saaraan ciidanka dadkayaga laayey”ayuu intaas ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Amiir oo xalay kormeeray Saddex degmo (Sawirro)

Caydiid Ali

Dood adag oo ka taagan in Gabar noqon karto Qaadiga Muslimiinta dalka Kenya

Cabdi Cade

Kiisaska cudurka COVID-19 oo mar kale sare u kacaya qeybo ka mid ah Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---