Allbanaadir.com
NEWS

Darawal Bajaaj oo mar kale lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Wiil ka mid ah dhalinyarada ku xamaasha mooto bajaajka ayaa lagu dilay duhurnimadii maanta magaalada Muqdisho.

Dilkan oo ka dhacay nawaaxiga Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada dowlada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askariga uu rasaas ku furay wadaha mootada ka dib markii uu muran soo kala dhex galay, isla goobta ayuuna ku geeriyooday wiilka watay mootada Bajaajka.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu markiiba goobta ka baxsaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilka la dilay walaalkiis oo bajaajle ahaa la dilay dhowr bilood ka hor, iyadoo askariga dilayna aan illaa hadda gacanta lagu dhigin.

Dilka askarta dowlada ee jidadka taagan ay ku hayaan wadayaasha mooto bajaajta ayaa mudooyinkanba ku soo laalaabanayey magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xili maanta afar Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda loo toogtay dilal ay horeyu geysteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirad Khadiijo Al-Makhzoumi oo la gudoonsiiyey abaalmarinta ASO Award (Sawirro)

Caydiid Ali

Fanaanad xabsi & ganaax ku muteysatay hadal aan macno laheyn oo kaftan ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shuruudaha laga rabo shirkadaha u tartamaya adeegga Xajka oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---