Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa laga helay baaritaankii heyadda FBI ku sameysay hoyga Madaxweyne Biden?

FBI ayaa baaris ku samaysay guriga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ee ku yaalla Rehoboth Beach, oo ka tirsan gobolka Delaware.

Saraakiisha FBI ayaan guriga ka helin wax waraaqo ah oo sir ah oo cusub, hase ahaatee ay qaateen agab kala duwan si ay ugu sameeyaan baaris dheeri ah sida uu sheegay Qareenkiisa gaarka ah.

Baaritaanka guriga Madaxweynaha oo ka kooban saddex dabaq, ayaa socday laga bilaabo 8:30 subaxnimo illaa duhurnimadii Arbacada, arrintan oo ku timid wada-shaqayn dhex martay hay’adda FBI iyo Qareennada madaxweynaha.

Talaabadan ayaa lagu baaray guriga gaarka ah ee Joe Biden ayaa daba socday, baaritaanno hore oo lagu sameeyey xafiisyadiisa iyo weliba gurigiisa oo hore loo baaray oo laga helay waraaqo “sir ah” oo goobahaas la geeyey xilligii uu Joe Biden ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka.

Hay’adda FBI ayaa tan iyo xilligaas waxay qareen gaar ah u magacawday inuu sii wado baarista waraaqaha sirta ah ee lagu kaydiyey xafiiska iyo guriga Joe Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo Shaacisay in Villa Soomaaliya ka shaqeeneyso bur burinta maamulkooda

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Rooble oo London kulan shiray Mss. Alice Albright iyo xubno la socday

Caydiid Ali

Muhaajiriin Soomaali ku jiraan oo la waayay ka dib markii ay Finland ka soo galeen dhinaca…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---