Allbanaadir.com
NEWS

FBI oo baaritaan xasaasi ah ka bilowday hoyga Madaxweyne Biden (Sawirro)

Heyadda dembi baarista Mareykanka ee FBI ayaa baaraysa guriga madaxweyne Joe Biden oo ku yaalla  Delaware taasoo qeyb ka ah baaritaanka dukumentiyada sirta ah

Qoraal uu soo saaray qareenka Mr Biden ayuu ku sheegay in baaritaanka uu ahaa mid qorsheysan iyadoo howlgalku uu yahay mid uu madaxweynuhu si buuxda u taageerayo.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ka warbixisay in baaritaanku uu la xiriiro baaritaan ballaaran oo lagu maareynayo dukumentiyada qarsoodiga ah.

Maadaama baaritaanku ahaa mid la isku raacay, ma jirin wax ogolaansho ah oo la arkay, FBI-da weli kama aysan hadlin baaritaanka.

Bob Bauer ayaa sheegay in baaritaanka la sameeyay iyadoo ogaysiis hore aan la siin dadweynaha maadaama la eegayo amniga howlgalka iyo daacadnimada.

Baaritaanka ayaa ah kii ugu dambeeyay ee taxane ah oo laga sameeyay meelo kala duwan, ka dib markii laga helay dukumentiyo sir ah Xarunta Pen Biden oo ku taal Washington DC bishii Nofembar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Prof. Geeddi: “Siyaasiyiinta dalkan soo hogaamiyey waa iney hoos u dhigaan Xasarada”

Caydiid Ali

Halkan ka ogow 17-kii ergay ee QM usoo magacowday Soomaaliya tan iyo 1992-kii

Cabdi Cade

Wasiirka Arimaga Dibadda Eritrea oo goordhaw gaaray magaalada Hargeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---