Allbanaadir.com
NEWS

Qoorqoor oo dalab hordhigay Saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha taliska ciidamada Mareykankla AFRICOM ee Saldhigoodu yahay magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Saraakiisha AFRICOM xoojinta howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, isla markaana ay labo jibaaraan taageeradooda howlgalada dhinacyada cirka iyo dhulka ah ee ciidamada Soomaaliyeed ay dalka ka wadaan.

Madaxwayne Qoor Qoor ayaa Taliska Africom ka dalbaday in Galmudug ay kala shaqeeyaan dib u soo kabashada dadka degaanka ee dhibaatooyinka ay u gaysteen kooxda al-shabaab, sidii loogu samayn lahaa adeegyada bulshada sida Biyaha, Caafimaad, Waxbarshada oo dhammaan ay burburiyeen Argagixisadu sida uu yiri

Saraakiisha Taliska Africom ayaa balan qaaday inay joogtaynayaan howlgalladda ka dhanka ah alshabaab, waxayna ka mahadceliyeen wada shaqaynta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Galmudug kala dhexeysa, iyagoo dhanka kale tilmaamay inay garab taagan yihiin bulshada tabaalaysan ee reer Galmudug.

Taliska Maraykanka ee Africom ayaa ka mid ah saaxiibada dowladda Soomaaliyeed ka taageera la dagaalanka agagixisada iyo horumarinta adeegyada Bulshada meelaha laga saaro al-Shabaab

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Nin Kufsi iyo dil arxan daro ah u geestay Gabar Lix Sano jir ah oo la qabtay

Cabdi Cade

Qeylo-dhaan ka soo yeertay kunkii dhalinyaro ee gobolka Banaadir uu shaqo abuurka u sameeyey

Caydiid Ali

Cali Yaxye: Soomaalida ku nool Nederlands waxaa markii hore ku yaraa fahamka COVID-19″

Caydiid Ali
Taboola Ads ---