Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo Al Shabaab oo ka dhacay Beer-Xaanno

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo xooggaga dib u xoreynta deegaanka ee Macawisley oo is kaashanaya iyo kooxda Al Shabaab ayaa ka goordhay ka dhacay deegaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanku weerar ku qaadeen goob la sheegay in Al Shabaab isku aruursanayeen taasi oo keentay in uu dagaalka qarxo.

Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayo Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad aayna wehliyaan ciidanka Gorgor ayaa gaaray goobta uu dagaalka ka socda.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta u xaqiijyay in khasaare xooggan Al Shabaab la gaarsiiyay ayna ka saareen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano, Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarkii Al Shabaab ku laayeen askar katirsan Ciidamada ATMIS

Cabdi Cade

Gaadiidka ciidamada AMISOM oo jiiray Mooto bajaaj, ka dibna ka cararay

Caydiid Ali

Waalidiin Badan oo Farxad la Ilmeeyay markii ay arkeen Wiilashoodii ku maqnaa Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---