Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la kulmay Guddi ku howlan Dhismaha Dekadda …

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug, taa oo loo dhisayo si heer sare ah.

Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan hawlaha dhismaha Dekedda Garacad iyo horumarinta wadada isku xirta Garacad iyo Goldogob oo qiimeyn ay ku sameeyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boggaadiyay Guddiga hawsha waxtarka u leh bulshada ee ay wadaan, isaga oo intaa raaciyay in Xukuumaddu ay garab taagan tahay mashruucyada lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Mudane Xamse waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay si gaar ah u dhiirigelineyso mashruucan isku-tashi bulsho, oo uu tilmaamay inuu tusaale wanaagsan u yahay bulshadu waxa ay qabsan karto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeerka Doorashooyinka oo lagu arkay qodob Fajiciso iyo layaab noqday !

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Turkiga Tartan kula jiro Dowladaha kale ee Soomaaliya daneeya ?

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil katirsan ciidamada ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---