Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ruto oo soo gaaray Muqdisho iyo Soo dhaweyn heer sare oo loo sameeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalkeenna, tan iyo markii la doortay.

Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Related posts

Doorashada Galmudug oo amar cusub laga soo saaray &faah faahin ku saabsan Ciidankii saakay la geeyay Dhuusomareeb !!

admin

Markaska Albaani Online oo Bishaaro Muhiim ah u haya qurbo joogta Somaaliyeed

Cabdi Cade

(Akhriso) Magacyada Xildhibaanada Soomaalida Kenya ee lagu xirxiray Nairobi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---