Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo soo gaaray Muqdisho si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliyq iyo dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Khawaarijta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Calooshood u shaqeystayaal garab siinayay Khaliifa Haftar oo isaga baxay aaga Dagaalka

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulan Xasaasi ah oo Jigjiga ku dhax maray Odayaal iyo Saraakiil Milatari

Cabdi Cade
Taboola Ads ---