Allbanaadir.com
NEWS

Kursigii Xildhibaanimo ee Taliyaha NISA oo lagu guuleestay iyo ninkii loo xiray oo kusoo baxay (Sawiro)

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada kursigii xildhibaanimo uu baneeyay taliyiha hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop147 ayaa ahaa mid loo xiray musharax gaar ah oo ay wateen madaxtyooyada Soomaaliya iyo taliyaha NISA, waxaana dooarsahada isaga haray musharaxiin markii hore kursigan uu damac ka galay.

Ilyaas Sheikh Axmed Ibraahim  oo kursigan loo xiray ayaa loo doortay in uu noqdo xildhibaan, waxaana musharaxan kursiga qaab malxiis ahaan kula tartantay Aamino Tahliil Warsame oo doorashada ka tanaasushay.

Kursigan maanta lagu doortay magaalada Dhuusomareeb ayaa muddo bilooyin ahaa aan lagu fadhin, waxaana kursigan baneeyay Mahad Maxamed Salaad oo madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay in uu noqdo taliyaha hay’adda NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo dacwad ka dhan ah dowlada Somalia u diray Beesha caalamka (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxa Hawlgalka IGAD ee Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay

Cabdi Cade

Nin sheegtay inuu Nebi yahay oo garaacis iyo xabsi la isugu daray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---