Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda oo diiday Ansixinta Heshiis Milatari oo ay gaareen Soomaaliya iyo Imaaradaka

Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo xalay ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay  sharciga la dagaalanka Argagixisada, sharciga socdaalka iyo sharciga heshiiska Iskaashi Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Uganda.

Dood iyo falanqeyn dheer ay yeesheen kaddib ayey golaha wasiirrada xukuumada Soomaaliyeed ku meel mariyeen sharciyadaasi ay soo gudbiyeen wasaarrado katirsan xukuumada Soomaaliya.

Golaha wasiirrada ayaana diiday in ay ansixiyaan heshiiska iskaashi amni oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo golaha horkeenay wasiirkii hesiiskaasi soo galay ee gaashaandgigga C/qaadir Maxamed Nuur.

Qaar kamid ah wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaana dood adag ka keenay meel marinta heshiiskan amni ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxa ayna tilmaameen in muhiim tahay in heshiiskaasi dib loogu laabto laguna sameeyo wax ka bedel.

Golaha wasiirrada ayaana gabogabadii kulanka dood iyo falanqeyn dheer kaddib ku taliyay in heshiiska ay dib u celiyeen loo gudbiyo wasaaradda cadaaladda iyo xafiiska garyaqaanka Guud si ay uga soo tala bixiyaan.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya oo dedaal badan u galay meel marinta heshiiskan ayaa ku guuldareestay, waxa ayna tani noqoneysaa heshiiskii ugu horeeyay ee golaha wasiiradda la horgeeyo ayna si cad usoo celiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Labada Gole BFS oo shaaciyey jadwalka doorashada Madaxweynaha Somalia

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo la wareegtay degaan u dhexeeya Balcad iyo Jowhar

Caydiid Ali

Dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo Faah Faahino dheeraad ah oo kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---