Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirada dhimashada qaraxii lala beegsaday Masjidka Pashwar oo labo jibaarantay (Sawirro)

Tirada dadka ku dhintay qaraxii shaley lala beegsaday masaajidka ku yaalla Pakistan ayaa gaartay 100 qof sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka

Masaajidka Pashwar wuxuu ku yaallay goob amnigeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana socdaa baaritaan ku aadan sida qofka isa soo miidaamiyay ay ugu suurtogashay in uu gudaha u galo masjidkaas.

Garabka Taliban ee ka howlgala Pakistan ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka inkasta oo markii dambe kooxda ay beenisay kuna eedeeyeen garab kale oo iyaga ka goostay.

Marka la eego walaaca ammaanka ee Peshawar, masaajidka waxaa loo dhisay si loogu oggolaado booliiska inay ku tukadaan aagga iyaga oo aan ka bixin. Wasiirka Difaaca Khawaja Asif ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu ku jiray safka koowaad ee hoolka lagu tukanayay markii uu weeraray.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Peshawar tan iyo markii laba qarax oo ismiidaamin ah lagu qaaday kaniisada All Saints Church oo lagu dilay dad badan oo cibaadeysanayay bishii Sebtembar ee sanadkii 2013, waana weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado Masiixiyiinta laga tirada badan yahay ee Pakistan.

Peshawar waxay ku fadhidaa cidhifka dhulka qabaa’ilka Pashtun, oo ah gobol ay rabshado hareeyeen labaatankii sano ee la soo dhaafay. Kooxda xagjirka ah ee ugu firfircoon aaggaas waa Taliban Pakistan, oo sidoo kale loo yaqaan Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP), oo ah koox ay ku mideysan yihiin Sunni iyo kooxo Islaamiyiin ah oo ka soo horjeeda dawladda Islamabad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

K/Galbeed oo amar cusub soo saartay ka dib xanibaadii C/wali Muudey (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Kumandoska Gorgor oo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---