Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Taliye Odowaa & dhigiisa Gen. Robert Kariuki? (Sawirro)

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay dhiggiisa dalka Kenya General Robert Kariuki oo maanta soo gaaray Muqdisho.

Labada Taliye ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo xoojinta la dagaallanka Kooxaha dhibaatada ku ah ammaanka labada dal.

Taliyaha Ciidamada difaaca dalka Kenya General Robert Kariuki ayaa Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku bogaadiyay howlgalka Ciribtirka Al-shabaab ee ka socda dalka isagoo Ballan qaaday in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah ATMIS ay door weyn ka qaadan doonaan.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisu  uga mahad celiyay Kenya doorka ay qaadaneyso howlgallada Al-shabaab looga xoreynayo dalka.

General Robert Kariuki ayaa ka mid ah wufuuda ka qeub galaysa shir shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore kuwaasoo kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

Shirkan oo lagu gorfeynayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin Al Shabaab isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya, ayaa gogol xaar u ah Shir Madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho oo uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Baraha bulshada taageero ugu muujisay maamulka Somaliland oo la xiray

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo fulinaya Codsigii qiirada lahaa ee Ayaan Xassan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamo Huwan ah oo la wareegay Deegaano dhoor ah oo Al Shabaab horey u heesteen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---