Madaxweyne Biden ayaa sheegay inaan  diyaaradaha F-16 loo diri doonin dalka Ukraine oo dagaal sanad jirsaday kula jira Ruushka.
Waxaa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay  baahan yahay inay la wareegto Maamulka hawadeeda oo haatan qeybo ka mid ah uu xukumo Ruushka
Biden ayaa hadalkan kooban jeediyay mar ay wariyayaashu suâaalo weydiiyeen xilli uu ka baxayay Aqalka Cad.
Dalabka Ukraine ayaa noqday mid aad loo hadal hayo kadibmarkii Washington ay ka laabatay diidmadeeda muddada dheer ee ahayd ee ku saabsaneed in taangiyada Mareykanka loo diro Ukraine .
Toddobaadkii hore Jarmalku waxa uu sidoo kale meesha ka saaray in uu dirayo F-16, balse kuwa kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Holland ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin.
Diyaaradda F-16 Falcons ayaa lagu tilmaamaa iney tahay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee ugu casrisan caalamka.