Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shaaciyay in kowda February 2023-ka ay Wasaaradda bilaali doonto tirikoob lagu sameenayo dhammaan shaqaalaha Rayidka ee Dowladda.
Tirakoobka lagu sameenayo shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa laba nuuc oo kala ah; mid madax ka tirin ah iyo mid suul saar ah si loo ogaado tirada rasmiga ah ee u xadairta shaqada.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegtay in tira koobka la sameenayo ay hagi doonaan laba Guddi oo loo xilsaaray kuwaas oo kala ah; guddi farsamo oo ah guddi tirokoobka fulinaya, kaas oo raacaya habraaca loo dejiyay iyo Guddiga korjoogtaynta iyo kormeerka habsami usocodka tirakoobka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com