Wakaallada Wararka dalka FinlandĀ (STT) waxay shaacisay Amar soo baxay Boliska dalkaasi oo lagu sheegay inaan marnaba la oggolaan doonin in Nuqulada Kitaabka Barakaysan ee Islaamka ee Qur’aanka Kariimka lagu gubo gudaha Finland.
Guddiga Booliska Qaranka ee dalkaasi (The National Police Board) waxa uu tilmaamay in la gubo Kitaabka Qur’aanka Kariimka ay xadgub ku tahay Nabadda Diinta, isla markaana ay Finland ka tahay dembi ciqaab leh.
Boliska Finland waxay sheegeen inay faragelin doonaan gubida ama xadgudub kasta oo loo geysto buug kasta oo xurmo u ah Mujtamac Diimeed, waa sida Hadalka loo dhigay.
Hadalkaasi ayaa waxa uu yimid, iyadoo uu Nin haysta Dhalashada Danish iyo Swedish oo lagu magacaabo Rasmus Paludan oo hoggaamiya Xisbiga Xag-jirka Adag ee Midigta Fog ee Stram Kurs uu Jimcihii hore uu Nuqul ka soo ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka uu ku hor gubay Masjid ku yaalla dalka Denmark.
Dowladaha Sweden iyo Finland waxay u xusul duubayaan inay ku biiraan Isbahaysiga NATO, balse Dowladda TĆ¼rkiye oo in ka badan 70 sano xubin ka ah Isbahaysigaasi ayaa sheegtay in labadaasi dal, gaar ahaan Sweden looga baahan yahay inay wax badan sameeyaan, iyadoo Nuqulo Kitaabka Qur’aanka Kariimka lagu gubay Caasimadda dalka Sweden ee Stockholm, kana dhaceen Dibadbaxyo ka dhan ah Dowladda TĆ¼rkiye
W/T Ustaad Nuradin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com