Allbanaadir.com
NEWS

Nin Hubeesan oo dil iyo dhaawac ka geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka booliska ee ka howlgala deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay nin burcad hubeesan oo xirnaa dareeska milatariga Soomaaliya, kaa oo fal dhac ah ku jiray xilliga lasoo qabanayay.

Ninkan burcadka ah ayaa waxaa ku baxay ciidamo katirsan booliiska xilli uu dhac geesanayay, hasa ahaatee rasaas uu kusoo riday ciidanka ayaa sababtay geerida hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca labo qof oo kale sida taliska booliiska G/Banaadir sheegeen.

Ciidanka booliiska ayaa nikaan burcadka ah ka qabtay Waaxda 3-aad ee deegaanka Garasbaley, xiligaas oo uu dhacayay qof dumar ah oo uu ka qaatay teleefan ay watay, waxa uuna watay qoriga loo yaqaan M-16 sidoo kale xirnaa dareeska ciidanka Gorgor.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ninkan burcadka ah lagu xiray saldhigga booliiska Dharkeenley, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan baaris kaddib loo gudbin doono maxkamadda ciidamada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo wajaheysa “laba daran mid dooro” sababo la xariirta warkii beesha caalamka

Cabdi Cade

Xildhibaano katirsan labada Aqal oo saakay qaatay Shahaadada Xildhibaannimo (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarado sida ciidamo badan iyo hub oo saakay mar kale ka degay Dhuusomareen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---