Magaalada Muqdisho waxaa maanta iyo beri ka furmaya shir xasaasi ah oo ay yeelanayaan wasiirrada gaashaandhigga iyo madaxweynayaasha waddamada dariska ee ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
Shirka ayaana looga hadli doonaa arrimaha ammaanka gaar ahaan dhameestirka iyo xoojinta howlgalada la doonayo in Al Shabaab guud ahaan dalka looga saaro iyo sidii ciidamada ATMIS gacan uga geesan lahaayeen howlgalka socda.
Muddada labada maalin uu shirka ka socdo magaalada Muqdisho ayaa hakad la galiyay dhaqdhaqaaqa qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho , waxaana la xiray waddooyinka halboolaha u ah caasimadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa labada maalin uu shirka socdo hakad galisay duulimaadyada diyaaradaha rayidka ee kasoo degi jiray kana duuli jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Duulimaadyada hakadka la galiyay ayaa saameyn ku yeelanaya boqolaal dadweyne ah oo safar ku qornaa, kuwaa oon xilli hore lagu wargalin in diyaaradaha socdaalkooda hakad la galin doono.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday in hakad galiso duulimaadyada garoonka Aadan Cadde xilliyada madaxweynayaal imaanayaan Muqdisho, waxaa sidoo kale la xiraa oo socodka iyo gaadiidkaba loo diidaa waddooyinka qaar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com