Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal culus oo caawa ka qarxay degaano ka tirsan Galgaduud iyo Al-Shabaab oo..

Wararka laga helayo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu dagaal xooggan ka bilowday meel ku dhow deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada degaanka ee loo yaqaano macawisley iyo Kooxda Al-shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa bilowday kadib markii la helay xog sheegeysa in Al shabaab ay isku uruursanayaan degaanku uu dagaalku ka socdo kadibna weerar looga qaaday dhinaca degmada Maxaas.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana degmada Maxaas laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo la isku adeegsanayo.

Dhinaca kale, ciidamada amniga magaalada Beledweyne ayaa caawa xabsiga dhigay odoyaal dhaqan oo la sheegay iney Al-shabaab la macaamileen, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo cadaaladda, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan magaalada Beledweyne ee  Gobolka Hiiraan.

 

Related posts

Diyaaradaha Dagaalka Masar iyo Faransiiska oo sameeyey Dhoolatus & Shidaal-siin (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo xanibaad ku soo rogay Shirkado xawaaladeed oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Guddiga doorashoyinka xildhibaanada gobolada Waqooyi oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---