Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo Mamnuucday baahinta Wararka la xiriira magaalada Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa ka mamnuucay warbaahinta iyo wariyaasha ka howlgala deegaannada maamulka Somaliland in ay baahiyaan wararka la xiriira shirarka iyo waxyaabaha kale ee ka socda magaalada Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa looga mamnuucay warbaahinta iyo wariyaasha ka howlgala Somaliland in ay baahiyaan wararka iyo warbixinada dabka ka hurin kara xaalada magaalada Laascaanood.

Ammarkan kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa imaanaya xilli magaalada Laascaanood shir uga socda waxgaradka beesha Dhulbahante, kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda in Somaliland dib ugu soo laabato magaalada Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqolaal ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray degmada Guriceel (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Janaraal Odawaa iyo Qaar kamid ah Saraakiishii Bad baado Qaran oo is arkay

Cabdi Cade

Nicholas Haysom iyo Francisco Madiera oo Baydhabo kula kulmay Musharaxiin Madaxweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---