Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Sacuudiga oo qaaday talaabo dharbaaxo ku ah taageeradii ay u muujisay dowlada Somalia

Markab siday ku dhawaad 30 kun oo neef oo xoolo Soomaalida ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laga soo celiyay dalka Sacuudiga.

Markabkan ayaa la sheegay inuu ku soo wajahan yahay dekeda Magaalada Bosaaso oo uu markii hore uu ka shiraacday.

Sacuudiga oo horay u xayiray xoolaha  Soomaalida ayaa sheegay inuu Xayiraadii ka qaaday xili dhow waxayna xoolahan la soo celiyey ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee ku  dhoofa fasaxa ay dalkaasi ku ogolaadeen inay xoolaha Soomaalidu dalkooda la geyn karo.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili lagu guda jiro waqtigii acmaasha xajka oo uu Sacuudigu qaadi jiray Xoolaha Soomaaliya laga soo dhoofiyo xiligan oo kale .

Majirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhanka Sacuudiga iyo ganacsatadii xoolahan dhoofsatay.

Talaabadan ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli dowlada Somalia ay taageertay mowqifkii ay dowlada Sacuudigu xiriirka ugu jartay dowlada Canada oo khilaaf diblomaasiyadeed uu soo kala dhex galay, iyadoo talaabadan Sacuudigu ku soo celiyey xoolaha Soomaalida ay weji gabax ku tahay dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilhaan Cumar oo si rasmi ah u shaacisay iney kala tagayaan seygeeda Axmed Xirsi

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xaaskiisa Shaqo been abuur ah u sameeyay oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Facebook oo soo saareysa Shuruuc saameyn ku yeelan karta Soomaaliya badan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---