Allbanaadir.com
NEWS

Xubno cusub oo lagu kabay Guddiga Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare (Magacyada)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 8-aad oo ajandihiisu ahaa sii wadiidda ka doodista Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

kulanka oo Sanatarrada qaar ay soo jeediyeen in xubnaha guddiga Xeer-hoosaadka lagu kabo xubno kale oo la fududeeya shaqada ballaaran ee Xeer-hoosaadka Aqalka Sare, ayaa la isku raacay arrintaas. iyada oo xubnaha guddiga lagu kabay Senator Cabdi Xakiin Macalin Axmed, Senator Farxaan Cali Xuseen iyo Senator Cabdi ismaaciil Samatar

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa faray xubnaha guddiga Xeerhoosaadka in iyaga oo kaashanaya xubnaha Cusub ee maanta lagu kaabay ay soo diyaariyaan Xeerhoosaadka Golaha oo lagu kabay nuxurka soo jeedintii macquulka ahayd ee Sanatarrada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Gorgor oo qabtay rag lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku bur burtay Duleedka Adis Ababa

Cabdi Cade

Kenya oo Jabuuti kaga guuleesatay kursiga Afrika ee Golaha Ammaanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---