Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Ahmed Jumah Alromaith (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Jumah Alromaith.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ahmed Jumah Alromaith ayaa sheegay in dowladiisa diyaar u tahay garab istaaga iyo taageerada dowladda Soomaaliya, waxa uuna ballanqaaday in Imaaraadka fulin doono mashaariic horumarineed.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo kamid ahaa dowladaha Carabta ee sida weyn saameynta ugu lahaa Soomaaliya ayaa dib usoo celisay xiriirkeeda kala dhaxeeya dowladda, kaddib markii meesha ka baxday dowladdii Madaxweyne Farmaajo oo ay isku dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duulimaadyadii Somalia ee ay xayirtay Kenya oo xeelad cusub loo helay & Farmaajo oo..

Caydiid Ali

Trump oo sharci yaab leh ku soo rogay dadka u socdaalaya dalka Maraykanka

Caydiid Ali

Haidar Badawi oo shaqadiisa ku waayay Warbixin aan lala ogeyn uu Warbaahinta u gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---