Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha Carab Soomaali oo Dowlada ka dalbatay in loo diyaariyo Diyaarado ay dalka uga baxaan (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Siyaasiyiin , Xildhibaano , Waxgarad , Dhalinyaro iyo Haween kasoo jeeda Beesha Carab Soomaali, waxa ayna kulanka uga cabanayeen in Xaquuqdii ay ku lahaayeen Dowlada Federaalka la duudsiiyay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dhawaan isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada ayaa xilka ka qaaday Wasiir kuxigeenkii Shaqada iyo Shaqaalaha  Xildhibaan C/Casiis Armaan oo kasoo jeeda Beesha Carab Saalax.

Kulankan ay yeesheen Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha Carab Saalax ayaa waxa ay uga soo horjeesteen in laga qaado halkii xil ay Dowlada Dhaxe ku lahaayeen, waxa ayna sheegeen in xaquuqda beeshan ku laheyd dowlada lagu tuntay.

Ibraahim Saalax Deyfulah oo ah Xildhibaan hore oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in xilka laga qaaday beeshooda loo soo celiyo hadii kale ay cadeeyaan in beeshan wax xaquuq ah aysan ku laheyn dowlada Federaalka.

”Waxaan leeyahay Farmaajo iyo Kheyre hanoo soo celiyaan kursiga aan Xukuumada ku laheyn , hadii kale hanoo cadeeyaan in aan dalkan wax xuquuq ah aan ku laheyn” Ayuu yiri Deyfulah oo Xildhibaan kasoo noqday Dowladii Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale kulanka ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cabdalla (Deeqow Carab) oo katirsan Baarlamaabka Hirshabelle , waxa uuna Xildhibaanka nasiib daro ku tilmaamay in dowlada ay xaqirto Beesha Carab Soomaali.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlada in diyaarado u diyaariyaan dalkana ka musaafuriyaan dadka kasoo jeeda Beesha Carab Soomaali maadaama ay u muujiyeen in beeshan aysan wax xuquuq ah ku laheyn dalka iyo dowlada.

”Waa nasiib daro in beel dhan la xaqiro oo halkii xubin ay dowlada ku laheyd laga sii qaato, dowlada waxaan hada ku leenahay hal Xildhibaan iyadana ha qaataan Farmaajo iyo Kheyre, waxaan leenahay Madaxda dowlada diyaarado dalka haka saaraan dadka kasoo jeeda Beesha Carab Soomaali maadaama muujiyeen in aysan dalka iyo dowlada Federaalka Xaquuq ku laheyn” Ayuu yiri Xildhibaan Deeqow Carab.

Kulankan ay yeeshee Beesha Carab Saalax ayaa dhamaan dadkii ka hadlay waxa ay si isku mid ah u muujiyeen sida ay uga xun yihiin in la xaqiro beeshooda si sharci daro ahna looqa qaatay halkii jago ay ku lahayaeen dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Bam Gacmeed lagu weeray Mid kamid ah Xarumaha Degmooyinka G/Banaadir xili xaflad ay…

Cabdi Cade

Ruushka & Ukraine oo qarka u saaran iney gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka

Caydiid Ali

Feysal Cali Waraabe oo soo jeediyey talo lagu joojin karo dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---