Allbanaadir.com
NEWS

Qofkii Ugu Horeeyay oo Muslim ah oo loo doortay in uu noqda duqa magaalada Johannesburg

Abubakar Thapelo Amad, oo ka socda xisbiga laga tirada badan yahay ee Muslimiinta ee Al Jama-ah, ayaa Jimcihii shalay loo doortay in uu noqda duqa cusub ee magalada ugu weyn dalka Koonfur Afrika ee Johannesburg .

Duqa cusub ee magaalada Johannesburg Thapelo ayaa bedali doona duqii hore ee magaaladaasi Mpho Phalatse oo khamiistii mooshin laga gudbiyay, taa oo keentay in kalsoonida lagala noqdo.

Abubakar Thapelo Amad duqa cusub ee loo doortay Johannesburg ayaa helay 138 cod halkamusaharax Phalatse oo la tartamayay uu helay 81 iyo  Funzi Ngobeni oo ka socotay Action SA ay heshay 46 cod.

Duqa cusub ee la doortay ayaa taageero weyn ka helay xisbiyada ANC, EFF, Isbahaysiga Waddaniga iyo xisbiyada laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan African Independent Congress, Al Jama-ah, African Transformation Movement iyo COPE.

Abubakar Thapelo  waa 41 jir Muslim ah soo noqday imaam Masaajid kuyaalla Koonfur Afrika, waxa uuna uu ku dhashay degmada isku raranka ah ee Soweto oo katirsan gobolka Gouteng.

Johannesburg oo ay ku noolyihiin dad ka badan 6, Million ayaa ah magalada ugu dhaqaalaha badan uguna qanisan qaarada Afrika , waana markii ugu horeeysay taariikhda qof Muslim ah uu maamulo magaaladan .

Omar Kiyow
Johannesburg

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo ka dhacay Buulo Burte iyo Jalalaqsi iyo Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay wakiilada Beesha caalamka

Caydiid Ali

Xubnaha labada Aqal ee Baarlamanka cusub oo beri kulan xasaasi ah yeelanaya (Ajendaha)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---