Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada Kursigii uu ku fadhiyay Mahad Salaad oo la shaaciyay xilliga la qabanayo

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11aad ee federaalka Soomaaliya  ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca loo marayo doorashada kursiga summadiisu tahay HOP#147.

Doorashada kursigan HOP#147 uu horey ugu fadhiyay taliyaha ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb 1-da bisha Febraayo ee sannadkan 2023.

Kursigan doorashadiisa ayaa xogaha aan heleyno sheegayaan in loo xiray shaqsi ay wataan madaxtooyada Soomaaliya iyo taliyaha NISA Mahad Salaad, doorashada kursigan ayaana noqon doonta mid lamid ah tii horey ugu soo baxay looguna xiray Mahad Salaad.

Doorashada kuraasta ka bannaan golaha shacabka uu ku jiro kii uu kusoo baxay loona diiday Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale la filayaa in dhawwaan la qabto, waxaana kuraasta bannaan dhammaan la filayaa in ay kusoo baxaan xubno ay wataan Damul Jadiid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo sheegtay in la dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Iska horimaad dhax maray Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ku sugan Xuduuda

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Kenya oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---