Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo u yeeray Safiirka Denmark u jooga dalkeeda kaddib tallaabo uu qaaday Rasmus Paludan

Dowladda Turkiga ayaa mar kale si weyn uga carrootay bannaan bax lagu gubay nuqulo kamid ah kutaabka Qur’aanka Kariimka oo ka dhacay barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla magaalada Copenhegan ee caasimadda dalka Denmark.

Nin cunsuri ah oo heesta dhalashada dalalka Denmark iyo Sweden oo lagu magacaabo Rasmus Paludan ayaa mar kale kutaabka Qur’aanka Kariimka ku xadgudbay, waxa uuna ninkan meel aan ka fogeyn masaajid iyo safaaradda Turkiga shalay ku gubay Qur’aanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Turkiga oo ka carrootay tallaabadan lagu gubay kutaabka Qur’aanka Kariimka ayaa si degdeg ah ugu yeertay safiirka dowladda Denmark u jooga dalkeeda si ay ugu muujiso carradooda.

Turkiga ayaana ku eedeeyay dowladda Denmark in ay taageertay Islama naceyb iyo kala fogaansho kaddib markii ninka cunsuriga ah u oggolaatay in kutaabka Qur’aanka ku gubo meel u dhaw safaaradda Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda  Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin  hab dhaqanka foosha xun ee dalkiisa, warbaahinta Turkiga ayaana sheegtay in suurto gal tahay in safiirka lagana noqdo oggolaanshiyaha safiirnimo.

Ninka cunsuriga ah ee u dhaqdhaqaaqa aragtida midigta fog ayaa ku hanjabay in uu jimco kasta sii wadi doono gubista kutaabka Qur’aanka ilaa inta Sweden looga oggolaanayo in ay ku biirto NATO oo Turkiga si weyn uga soo horjeedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka iyo Ukraine oo wadahadal yeelanaya iyo Goobta kulanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo gudoomiyay Shir Xog lagu soo bandhigayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal culus oo saaka ka qarxay Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---