Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo taleefoon kula hadlay Tan Chuan-Jin

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Singapore, Mudane Tan Chuan-Jin.

Sheekh Aadan Madoobe  iyo dhigiisa dalka Singapore ayaa kawada hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, waxa ay sidoo kale kawada hadleen in laga wada shaqeeyo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Singapore.

Guddoomiyaha golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay in muhiim tahay in labada baarlamaan si dhaw uga wada shaqeeyaan xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta  ka dhaxeysa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo fariin u diray Shacabka ku dhaqan Somaliland, kana hadlay..

Caydiid Ali

Bushaaro Muhiim ah oo loo hayo Qurbo joogta Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan

Cabdi Cade

Puntland oo eedeymo culus u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---